4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Nin toogasho lagu diley oo meydkiisa laga helay koonfurta magaalada Laascaanood
 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Ciidanka booliska ayaa soo qabqabtay dad looga shakiyey in ay dileen nin meydkiisa laga helay garaash ku yaala koonfurta magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Ninka la diley ayaa la sheegay in uu ahaa makaanig ka shaqeeya Geerashka kaas oo lagu diley rasaas habeenimadii Xalay, waxana saraakiisha ciidanku sheegeen in ay hayaan dad looga shakiyey falkaasi.

Falalka dilka ah ayaa si aad ah ugu soo badanaya magaalada Laascaanood oo mudo dheer amaan ahayd iyadoo mudo todobaad ah sadex fal oo laba ka mid ah dhimasho yihiin ayaa ka dhacay magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyey in kiisaska hore la hayo cidii falalkooda loo filaayey iyadoo sharciga la horgeyn doono.

Magaaladan oo sanadihii u danbeeyey samaynaysey horumar la taaban karo oo inta badan qurba joogtu lahayd laga cabsi qabaa in ay hakad geliso.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood