4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Urur goboleedka IGAD oo dowladda federalka Soomaaliya ugu baaqay in ay wax qabato cabashada doorashada laga muujinayo
 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Warmurtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii 38aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Djibouti.

Urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay soo afjaraan ismariwaaga ka taagan doorashooyinka laguna taagnaado heshiiska doorashada ee bishii September.

War murtiyeedka ayaa ugu baaqay dowladda federalka in ay dhameyso ismariwaaga ka taagan hannaanka doorashada, lana xushmeeyo heshiisyadii Dhuusomareeb iyo Muqdisho lagu gaaray.

War murtiyeedka laguma xusin khilaafkii u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, balse waxaa jira warar sheegaya in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya loo qabtay kulan si gaar ah loogu dhex dhexaadinayay laguna qanciyay in dhexdooda ay ka heshiiyaan khilaafka.

Hoggaamiyaha Midowga Afrika Muuse Faki ayaa hadal jeedintiisii shirka IGAD ku sheegay in labada dal looga baahan yahay inay dhexdooda heshiiyaan, isagoo walaac ka muujiyay xiriirkooda xumaaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]