3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Xeer ilalaliyaha guud ee Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dacwad loo haysto hay'adda cilmi baarista Sahan
 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay'adda SAHAN RESEARCH oo Dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday in ay Dalka ka shaqayso.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay Dacwadda hay'adan dhawaan ay u gudbin-doonan Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah.

SAHAN oo Dowladda Soomaaliya ay horay ugu eedaysay fal danbiyeedyada liddi ku ah qaranimadda soomaaliya, faragalinta siyaasadda dolwadda curyaaminta haylkalka Dowladdnimo, faafinta siraha amniga Dalka iyo Qodobo kale.

SAHAN waaxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/31/2021 11:22 PM EST
Haddii aad ku xanuunsan tahay COVID-19 ama aad u malaynayso inaad leedahay COVID-19, raac tallaabooyinkan si aad u daryeesho naftaada oo aad uga caawiso ilaalinta dadka kale ee gurigaaga iyo bulshadaada ah.

12/21/2020 12:05 PM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qaabilay wefti ka socda Xisbiga ANC ee haya talada dalka Koonfur Afrika oo uu hoggaaminayo Mr. Mhlekwa Nxumalo oo ah masuul sare oo ka tirsan xisbiga ANC.

12/21/2020 10:27 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Abuubakar oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shirkii madaxda urur gobolleedka IGAD ugu soo dhamaaday Jabuuti ayaa sheegay in Soomaaliya cadaadis lagu saaaray in ay hoos u dhigto khilaafka kala dhaxeeya Kenya.

12/21/2020 9:10 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Musfaf Qodax oo horey uga tirsanaa Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta ka deggay magaalada Hargeysa isaga oo ka soo ababaxay dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

12/21/2020 8:28 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Ciidanka booliska ayaa soo qabqabtay dad looga shakiyey in ay dileen nin meydkiisa laga helay garaash ku yaala koonfurta magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

12/21/2020 8:27 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) -Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa in xildhibaan Maxamuud Colaad uu dhaawac culus ka soo gaaray qarax ka dhacay gurigiisa.

12/21/2020 7:12 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Warmurtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii 38aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda IGAD ay ku yeesheen Djibouti.

12/21/2020 5:22 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Iyadoo guud ahaan caalamka uu soo food saaray mar kale culey la xiriira caabuqa Coronavirus ayeey dowladda Sacuudigu joojisay gabi ahaanba duuliyaadkii caalamiga ee tagi jiray dalka.

12/21/2020 1:27 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Diblumaasiyiintii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta oo isniin ah dib ugu laabanaya Soomaaliya iyagoo fulinaya amarkii dowladda ee ahaa in muddo 7 cishe ah kusoo xaroodaan.

12/21/2020 12:09 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) Wali waxaa soconaa howlgalo ballaaran oo ay ciidamada dowladda ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo kaddib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee galaaftay nolashada in ka badan 16 ruux oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

12/21/2020 12:07 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux ayaa ku geeriyootay Qarax ka dhacay magaalada Lideta oo ku dhaw bartamaha magaalada caasimada ah ee Addis Ababa Axaddii shalay.

12/21/2020 12:04 AM EST
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah mid walwal ku haysa Midowga Afrika, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, wuxuuna ku booriyay wadahadal deg deg ah oo dhaxmara labada dhinac.