4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 21, 2020
Wararkii ugu danbeeyay Qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa

 

Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijinayo ilaa saddex ruux ayaa ku geeriyootay Qarax ka dhacay magaalada Lideta oo ku dhaw bartamaha magaalada caasimada ah ee Addis Ababa Axaddii shalay.

Wakaalada Wararka ee dowladda ayaa sheegtay in qaraxan uu ka dhashay Bam goobta la dhiggay laakiin ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

Warka ayaa intaa ku darray in uu socdo baaritaan la xiriira qaraxa iyo cidda ka danbeysay, wakaalada ayaa intaa ku dartay in marka uu baaritaanku dhamaado shacabka lala wadaagi doono faah faahinta qaraxan ku saabsan.

Qaraxan ayaa imanaya xili wali qeybo ka mid ah gobolka Tigrayga ka socdaan dagaalo u dhaxeeya ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo jabhada TPLF lamana oga in uu jiro xiriir ka dhaxeeya qaraxa iyo dagaalka gobolka Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Qaraxyo yar yar oo horey uga dhacay qeybo ka mid ah magaalada Addis Ababa intii uu socday dagaalka gobolka Tigrayga dowladda waxaa ayku eedeysay in ka danbeeyaan TPLF laakiin kan danbe wali kama aysan hadal.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]