4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 20, 2020
Dowladda Talyaaniga oo Puntland gaarsiisay 13 tan oo ah gargaar mucaawinno ah


Axad, December 20, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta deeq gargaar ah oo loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii GATI kala wareegtay dowladda Talyaaniga oo usoo wakiilatay hay’addeeda iskaashiga horumarinta.

Duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha gobolka Bari, Dowladda Talyaaniga ayaa waxay noqotay dowladdii koowaad ee ka qayb qaadata gargaarka dadka duufaanto saamaysay.

Gargaarkaan oo gaarayay 13 Tan oo isugu jiray qalabka gargaarka iyo xirmooyinka caafimaadka, ayay dowladda Talyanaiga ugu talo gashay  si looga jawaabo daadadkii ugu dambeeyay ee ka dhashay duufaantii GATI.

Wasiirro katirsan maamulka Puntland, ayaa  shixnadan kula wareegay magaalada Bosaso halkaas oo ay soo cago dhigatay diyaarad xamuul ah oo gargaarkan xalay kasoo qaaday magaalada Brindisi ee gobolka Apulia ee koonfurta Italy.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]