3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 20, 2020
Golaha Samata Bixinta Hiiraan oo dhagax dhigay Dugsiga Tababarada Ciidanka Janaraal Xuud


Axad, December 20, 2020 (HOL) - Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee la baxay Golaha Samata Bixinta Hiiraan ee fadhigoodu yahay deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan 13KM ayaa halkaasi ka dhagax dhigay xarun ciidan oo ay ugu magac dareen Dugsiga Tababaradda Ciidanka Janaraal Xuud.

Dhagaxdhiga xarunta ciidan ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan madax iyo Sarakiil ka tirsan dhaqdhaqaaqa Samata Bixinta Hiiraan.

Masuliyiinta Golaha Samata Bixinta Hiiraan oo goobta ka hadlay ayaa sheegeen iney tahay sababta dugsigan loo furay sidii loo haqabtiri lahaa baahoyaha ciidamada reer Hiiraan waxayna sheegeen inuu yahay Dugsigii ugu horeyay ee 30 sano kadib laga furo gobolka Hiiraan laguna tababari doono ciidamada gobolka Hiiraan.

Janaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Samata Bixinta Hiiraan oo ah shaqsiga loogu magac daray xeradan ciidan ayaa goobta ka sheegay iney ujeedadooda tahay tayeynta iyo kor u qaadista ciidamadii hagaajin lahaa sugida amaanka iyo difaaca gobolka  "ayuu yiri Janaraal Xuud"

Janaraal Xuud ayaa sidoo kale si cad u sheegay ineysan jirin wax wadahadal ah oo ay la galayaan maamulka Hirshabeelle.

"Hirshabeelle waxaa lagu dhisay jujuub waana ognahay cida dhistay marka waxan leyahay yaanan la isku dayin in markale rabitaankeena la jajuubo hadii kale waxa ka dhalan karta arinkaasi cawaaqib xumo marka dowlada dhexe waxan ugu baaqeyna in la saxo waxa qaldan si loo damiyo arintan faraha kasii baxeysa " ayuu yiri Janaraal Abuukar Xuud.

Furitaanka xeradan ciidan ee Janaraal Xuud ayaa imaaneysa xili la sheegay iney guuldaro kusoo dhamadeen wadahadalo dhexmaray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxda Golaha Samata Bixinta Hiiraan kuwaas oo xal loogu raadinayay tabashada dhaqdhaqaaqa Samata Bixinta ee diidan dhismaha Hirshabeelle iyo jiritaankeedaba.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/20/2020 7:06 AM EST
Axad, December, 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wadahadallo hor dhac u ah xalinta khilaafka labada dowladood waxaa ay ku yeesheen dalka Jabuuti halkaa oo uu maanta ka furmay shir madaxeedka Urur gobolleedka IGAD.

12/20/2020 6:18 AM EST
Axad, December 20, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta deeq gargaar ah oo loogu talo galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii GATI kala wareegtay dowladda Talyaaniga oo usoo wakiilatay hay’addeeda iskaashiga horumarinta.

12/20/2020 3:48 AM EST
Axad, December, 20, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay sheegay in Al-shabaab ay culeys soo saareen deegaannada Galmudug.

12/20/2020 3:19 AM EST
Axad, December 20, 2020 (HOL) - Markab dagaal oo Mareykan ah iyo diyaarad ayaa bilaabay howlgalka ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya.

12/20/2020 12:29 AM EST
Axad, December 20, 2020 (HOL) - Waxaa koradhay tirada dadkii ku dhintay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

12/20/2020 12:10 AM EST
Axad, December 20, 2020 (HOL) - Maanta oo Axad ah 20 Dec 2020 ayaa lagu wadaa in dalka Jabuuti uu ka furmo shir madaxeedka Urur Gobolleedka IGAD, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka mid yahay mas'uuliyiinta shirkan ka qeybgalaya.