4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 20, 2020
Tirada dadka ku dhintay qaraxii Gaalkacyo oo koradhay

 

Axad, December 20, 2020 (HOL) - Waxaa koradhay tirada dadkii ku dhintay Qaraxii  Ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Inta la xaqiijinayo tirada dhimashada ayaa gaartay 16 ruux kaddib markii dad u badan oo shacab u geeriyoodeen dhaawacyo culus oo ka soo gaaray weerarka sida ay ilo-wareedyo laamaha Amniga ka tirsan u sheegeen AFP.

Ugu horreyntii, lix qof oo ay ku jiraan saddex sarkaal oo sarsare oo milateri ah ayaa la dilay Jimcihii markii qof isa soo miidaamiyay uu weeraray garoon ku yaal magaalada Gaalkacyo ka hor inta uusan soo gaarin garoonka Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo soo dhaweyntiisa lagu howlanaa.

Laakiin sarkaal ka tirsan laamaha amniga  ayaa khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP Sabtidii: “Tirada dadka ku dhintay qaraxa ayaa koradhay oo gaartay 16 qof, oo u badan dad rayid ah”

Sarkaakan Booliiska ah ee lagu magacaabo Ahmed Abdiasiz ayaa yiri: “Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ay ahayd mid aad cariiri u ah ... sidaa darteed dad badan oo dhaawacyo halis ah qabay ayaa markii danbe u dhintay dhaawaca marka laga reebo xubnaha ciidanka ku dhowaad 10 qof oo rayid ah ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa. ”

Mas'uuliyada Qaraxan ayaa waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee gacanta ka siinaya dhinaca Nabadgalyada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]