3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 19, 2020
Shir Urur Gobolleedka IGAD uga furmaya dalka Jabuuti

 

Sabti, December, 19, 2020 (HOL)  - Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in dalka Jabuuti uu shir uga furmo madaxda Urur gobolleedka IGAD, kaasoo looga wada-hadali doono arrimo la xiriira xaaladihii ugu danbeeyay ee gobolka.

Shirka ayaa siweyn diirrada loogu saari doona xaalada gobolka Tigrayga oo ay ku dagaalameen ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo Jabhda TPLF iyo waliba khilaafka labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo labaduba ashtako arintaa la xiriirta u gudbiyay Urur gobolleedka IGAD.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu u duulo dalka Jabuuti isaga oo halkaa uga qeybgali doona shirka IGAD,

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya  isku afgarteen shir degdeg ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta Tigray.

Soomaliya iyo Kenya ayaa dhawaan sheegay in Urur gobolleedka IGAD u gudbiyeen dacwad ka dhan ah khilaafka dhinaca Diblomaasiyada ah ee soo kala dhax-galay iyadoo midba kan kale ku eedeeyay xadgudub.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   














Click here
12/19/2020 3:38 PM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir degdeg la qaatay wasiiradda gaashaandhiga, amniga, saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta Galmudug, kadib markii uu soo dhamaaday aaskii qaran ee Gaalkacyo loogu sameeyay saraakiishii lagu dilay qarixii Gaalkacyo.

12/19/2020 2:22 PM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibada Malawi Eisenhower Mkaka oo maanta gaaray magaalada Hargeysa.

12/19/2020 10:31 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) -Wasiirka Amniga Dowlad Gobolleedka Jubbaland Cabdirashiid xassan Cabdinuur Janan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maleeshiyaad uu hoggaaminayo lagu tababarayo degmada Mandera ee dalka Kenya

12/19/2020 8:46 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

12/19/2020 7:37 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku geeriyootay falkii Al-shabaab shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

12/19/2020 6:39 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) -Wafdi uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Malawi Eisenhower Mkaka ayaa gaaray magaalada Hargeysa, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

12/19/2020 6:23 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho u daabushay qaar kamid ah dadkii ku dhaawaccmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

12/19/2020 6:06 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo kulan maanta ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay mudada madaxweyne Cali Maxamed Xusseen Cali Guudlaawe uu ku soo magacaabayo xubnaha Golaha Wasiirrada Hirshabeelle.

12/19/2020 2:11 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Kenya ku eedeysay abaabul dagaal iyo in ay hubeyneyso maleeshiyaad qalalaase amni ka abuura Gudaha Soomaaliya.

12/19/2020 12:08 AM EST
Sabti, December, 19, 2020 (HOL) - Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana saacadihii ugu danbeeyay socday baaritaanno xooggan oo ay ciidamado ka waddeen qeybo ka mid ah magaalada.