4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 18, 2020
Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay kana tacsiyeeyay qaraxii ismiidaaminta ee Gaalkacyo
 

Jimco, December, 18, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday weerarkii ismiidaaminta ahaa ee galabta Al-shabaab ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan dhammaantood Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkaan ay kooxda Al-shabaab ku beegsadeen saraakiisha iyo dadka rayidka ah uu ka fog yahay diinta iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

“Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh ”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]