4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 17, 2020
Kenya oo qunsuliyad ka furaneysa Somaliland

 

Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa qunsuliyad ka furaneysa gobolka Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland kaasoo u muuqda mid u ololeynaya aqoonsi caalami ah.

Go'aanka ay Kenya  qaadatay ayaa imanaya xili uu sii xumaanayo xiriirka Diblomaasiya-deed oo ay kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya in ay fara-galin qaawan ku heyso madax-bannaanida dhulleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Xafiiskan qusuliyada Kenya ayaa laga furi doonaa magaalada Hargeysa dhammaadka bisha Maarso sida lagu sheegay bayaan ay wadajir u soo saareen labada madaxweyne Uhuru Kenaytta iyo Muuse Biixi Cabdi Tallaadadii toddobaadkan.

Soomaaliya ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya Talaadadii, maalin kadib markii Kenyatta uu ku dhawaaqay inu u wadahadal la yeelanayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]