3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 17, 2020
Dowladda Soomaaliya oo waqti kooban u qabatay Diblomaasiyiinta ka jooga magaalada Nairobi

 

Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka ayaa ku amartay Dilomaasiyiinteeda ka jooga magaalada Nairobi in ay si deg deg dalka ugu soo laabtaan, kaddib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jirtay dalka Kenya.

Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda DFS ayaa lagu faraha dhamaanba Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in muddo 5 cisho ah ku soo galaan dalka, gaar ahaan waxaa fariintan loo diray shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

Fariintan ayaa imaneysa xili halkii ugu xumaa uu gaaray xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dowladdood Soomaaliya iyo Kenya,  iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Kenya in ay faragalin ku heyso madax-bannaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya  iyo guud ahaan arrimaha siyaasadda dalka.

Laakiin dowladda Kenya wey iska fogeysan eedeyntaa uga timid dowladda Soomaaliya, waxeyna Kenya sheegtay in ay ku dadaali doonto soo celinta iyo hagaajinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]      

























Click here
1/31/2021 10:23 PM EST
Gacmaha oo la maydho waa habka ugu wanaagsan ee lagaga hortaggi karo fiditaanka jeermiska iyo cudurada. Gacmaha wasakhda ah waxa ay qaadi karaan jeermiska cudur sidaha ah kuwaas oo sababi kara in qofku xanuunsado ama uu xanuun u gudbiyo cid kale. Noolayaasha il-ma aragtiga ah ee ay ka mid yihiin Bakteeriyada, Fayraska, dulinyada fangaska iyo kimikooyin kale ayaa si toos ah jidhkeena u gali kara marka aynu taabano wejigeena, indhaha, sanka iyo afka ama waxa ay si aan toos ahayn u gelli karaan, marka ay gacmo aan nadiif ahayn taabtaan goobo wasakh leh oo ay taabteen dadyaw kale ama meelaha cunnada lagu diyaariyo. Gacmaha oo saabuun iyo biyo lagu maydhaa si joogto ah waxay horseedaan abuurka safka koowaad ee difaaca jidhka kaas oo ka hortaga fiditaanka cuduro badan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin Durayga, Shubanka iyo cuduro kale oo ka sii khatarsan sida Qoor-gooyaha, Dhanjafka ama Jooniska iyo cuduro kale oo badan. Fiidyahan laba cabirlaha ahi waxaa uu sharaxayaa muhiimada gacmo maydhista.

12/17/2020 11:08 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay kulamadii uu la soo qaatay madaxda dalka Kenya, gaar ahaan madaxweyne Uhuru Kenyatta.

12/17/2020 5:40 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa maanta joojisay tartan kubada cagta ah oo lagu waday in loo qabto hablaha 6 gobol oo katirsan Somaliland.

12/17/2020 3:53 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa qunsuliyad ka furaneysa gobolka Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland kaasoo u muuqda mid u ololeynaya aqoonsi caalami ah.

12/17/2020 3:36 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaailya oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah xaafaddaha iyo Aagaga ay deggan yihiin midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

12/17/2020 12:49 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Ururka Daacish ee Soomaaliya Wilaayadda, ayaa soo saartay muuqaal cusub oo diirada lagu saarayo in kooxda mar kale ku dhawaaqday inay cadow ku yihiin Alshabab.

12/17/2020 12:45 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Muwaadin u dhashay Kenya oo loo haysto inuu ka tirsan yahay al-Shabaab tababar duuliyana ku soo qaatay Filibiin ayaa lagu soo oogay dambiyo argagixisanimo, oo ay ka mid tahay inuu maleegayay afduub diyaaradeed oo lamid ah weerar u eg 9/11.

12/17/2020 12:08 AM EST
Khamiis, December, 17, 2020 (HOL) - Ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya ayaa xiray jidadka muhiimka u ah isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira cabsi laga qabo dibadbaxyo rabshado wata oo mar kale ka dhaca magaalada.