4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 16, 2020
Beeralayda Qaadka Kenya oo sheegay inay wajahayaan rajo xumo weyn kadib xiriirkii Soomaaliya u jartay Kenya
 

Arbaco, December, 16, 2020 (HOL) - Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay wajahayaan rajo xumo weyn oo ku aadan ganacsigii qaadka loo iib gayn jiray Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya ay guud ahaanba xiriirka u jartay Kenya.

Beeralayda dalaga qaadka Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya maalin walba ay ka heli jireen lacag dhan 16 malyan oo lacagta Kenyaanka ah, ka hor inta aysan Soomaaaliya xayiraad kusoo rogin bishii march.

Waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin Khilaafka diblomaasiyadeed ee u horseeday in Kenya ay lumiso malaayiin shilin oo dakhli dibadeed ah ka dib markii Qaadka laga mamnuucay gudaha Soomaaliya.

"Tallaabadii ugu dambeysay waxay dhabar jab ku tahay beeraleyda maxaa yeelay waxay la tacaalayaan xaaladda hadda jirta ee suuq la'aanta dalagyadooda," ayuu yiri guddoomiyaha ururka Qaadka.

Kimathi Munjur wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay suuqa kaliya ugu weyn ee ganacsiga dalagooda Qaadka. Wuxuu kaloo sheegay Somaliland haddii xitaa lala barbar dhigo inuu uga muhiimsan yahay maadaama Somaliland ay ku xiran tahay qaadka Itoobiya .

"Ma fahmin xiriirka  u dhexeeya Nairobi iyo Hargeysa maadaama tani ay un cusbo kusii darayso dhaawaca Muqdisho, taas oo aan wax ka tari doonin xalinta ismari waaga jira," ayuu yiri Munjur.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]