4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Madaxweynayaasha Somaliland iyo Kenya oo heshiis gaaray

 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Kaddib kulan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ku yeesheen labada madaxweyne Somaliland iyo Kenya, Muuse Biixi Cabdi iyo Uhuru Kenyatta, ayeey ugu danbeyntii ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Kenya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay wafdiga Somaliland oo horkacayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi taasoo sii xumeysay xiriirka markii horeba liitay ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

Hadaba War-murtiyeed laga soo saaray kulanka labada madaxweyne ayaa u dhignaa siddan ;-

Labada madaxweyne waxay xuseen, ayaga oo aad ah ugu qanacsan, in iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland uu salka ku hayo mabaadi’ iyo qayim ay wadaagaan oo ujeedkoodu yahay kobcinta nabad waarta, xasillooni, koritaan joogto ah, iyo barwaaqo wadaag ah. Ayada oo ay quseyso arrintan, waxay ballanqaadeen inay xoojiyaan, oo ay sii dheereeyaan iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in labada hoggaamiye ay wada hadalladooda diiradda ku saareen ballaarinta xiriirka ganacsi, sare u qaadaista wada-shaqeynta xagga duulimaadyada, oo ay ku jirto ogolaanta duuliimaadyo toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Hargeysa, iyo ka wada-shaqeynta horumarinta beeraha, xoolaha, waxbarashada, tamarta iyo iskaashiga dekedaha Berbera iyo Mombasa.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay jadwal ay ku fulinayaan qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen, waxaana ugu weyn, in Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ka hor dhammaadka bisha March ee 2021, ayada oo Somaliland-a ay casriyeyneyso xafiiskeeda xiriirka ee Nairobi, isla waqtigaas.

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa billaabeysa duulimaadyada tooska ah ee Hargeysa iyo Nairobi, ka hor bisha March ee 2021, sida ay ku heshiiyeen.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in saraakiisha sare ee Somaliland oo ku jira liis horey loo go’aamiyey, islamarkaana dokumentiyada socdaalka ee Somaliland ugu safraya Kenya ay Visa-ha ku codsan karaan online, islamarkaana garoonka lagu siinayo marka ay yimaadaan, taasi oo fulinteeda ay billaabaneyso kahor bisha March 2021.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolka, si ay taasi ugu ogolaato shacabka inay raadsadaan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo xasilloonida.

Ayada oo ay quseyso arrintan, labada hoggaamiye waxay isla qireen in Somaliland ay sanado badan aheyd nabad iyo xasillooni, taasi oo ku timid sida ay uga go’an tahay mabaadi’ida dimoqraadiga ah iyo aasaasidda hay'ado dowladeed oo adag. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo raadinta barwaaqo wadaag ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiil sare oo ka kala tirsan labada dowladood ay u xil-saareen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hab loo hormarin karo heshiiska guud ee iskaashiga qodobo ay ka mid yihiin xiriirka labada shacab, ganacsiga iyo maal-gelinta, la-dagaalanka argagixisada iyo dambiyada dhinaca internet-ka, waxbarshada, iyo qodobo kale.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]