4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Mahdi Guuleed: Walaalkeen Axmed Madoobe, Kenya ayaa ku dirqisay inuu ka horyimaado heshiiskii doorashada
 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay dowladda Kenya in ay ka dambeyso in madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ka hor yimaado heshiiskii doorashada.

Raysal wasaare ku xigeenka ayaa sheegay Kenya in ay culays xad dhaaf ah ku saareen Axmed Madoobe inuu dood cusub ka keeno qeybta uu ku lahaa heshiiska doorashada.

Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu tilmaamay in ay Soomaaliya garnaqsi dheer ka galidoonto faragalinta Kenya ay ku hayso midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya ayna ku kala bixidoonaan shirka IGAD.

“Bahdilka ay Kenya ku hayso Soomaaliya iyo dadkeeda, waxay soo dhaaftay alamtara, ugu dambayna waxay nagu kaliftay in aa guud ahaanba xiriirkii u jarno,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dowladda Kenya oo maanta hadashay waxay sheegtay in aysan qaadidoonin tallaabo lamid ah tan ay Soomaaliya qaaday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]