3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 13, 2020
Dowladda Kenya oo sheegtay in madaxweynaha Somaliland uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya
 

Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Muusa Biixi Cabdi ayaa galabta gaadhay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka helay caasumaad rasmi ah oo uga timid dowladda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, ayaa si kooban u sheegtay in madaxweyne Muuse Biixi uu Isniinta berito ah wadahadal la yeelan doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasaaradda arrimaha dibadda waxay sheegtay in wada hadalku ahaandoono labo dal oo danahooda ka xaajoonaya.

Waa booqashadii labaad oo madaxweyne Somaliland ah ku tago Kenya, Daahir Riyaale Kaahin ayaa sidaas oo kale tagay sanadkii 2006.

Kenya ayaa Somaliland ku tilmaamtay saaxibo muhiim u ah gobolka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

Socdaalka Muuse Biixi uu ku tagay Nairobi ayaa kusoo aadaysa xilli uu meel xun gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/13/2020 4:31 PM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Qoraal la soo galiyay bogga Twitter ka Wasarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 20 bishan December, dalka Jabuuti lagu qaban doono shir uu soo qaban-qaabinayo Urur gobolleedka IGAD kaasoo looga wada hadlayo xiisada Diblomaasiyadeed ee labada dal Soomaaliya iyo kenya.

12/13/2020 12:19 PM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Siddeed qof oo kala ah askar iyo shacab ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay irida hore ee xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug.

12/13/2020 11:54 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland, ayaa is-afgarad ka gaaray arrimaha waxbarashada, iyadoo dowladdu ku dhawaaqday in ardayda reer Puntland loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federalka.

12/13/2020 10:10 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah waxaa daah furay taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Maxamed Xijaar oo dhinaca kalana ah guddoomiyaha guddiga Amniga Doorashooyinka dalka.

12/13/2020 2:12 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Puntland ayaa diiday in ay soo magacowdo guddiga doorashada heer dowlad goboleed, iyadoo ku adkaysanaysa in dowladda federalka iyo dowlad goboleedka iskugu yimaadaan shir wada tashi oo looga arrinsanayo wixii ka fuli waayay heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu galay.

12/13/2020 1:57 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Ciidamada badda Puntland qeybtooda la dagaalanka argigixisada ayaa dib ula wareegay degaano kuyaala gobolka Sanaag oo ay maalmo ka hor ay qabsadeen dagaalamayaal kooxda Al-shabaab.

12/13/2020 12:51 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in ay dileen saraakiil ajnabi ah oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

12/13/2020 12:34 AM EST
Axad, December, 13, 2020 (HOL) - Xarrakada Al-shabaab ayaa ku dhawaad sanad kaddib waxaa ay shaaciyeen magacyada Raggii ku lugta lahaa weerarkii lagu qaaday Hotelka Dusit2 ee magaalada Nairobi bishii Janaayo sanadkii 2019ka