9/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 1 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ciidamo Soomaaliyeed loo diray dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia
 

Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ciidamo Soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda waqooyiga dala Ethiopia ee u dhexeeya ciidamada qaranka Ethiopia iyo jabhadda TPLF ee Tigreega.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo wax laga weydiiyay arrintan, ayaa been abuur ku tilmaamay wararka ku saabsan in ay dowladda Soomaaliya ciidamo u dirtay dagaalka Ethiopia.

“Wax caqligal ma ahan, anaga ayaa u baahan ciidamadeenna in ay ka howgallaan dalkooda oo amniga sugaan, ma jirto sabab nagu kalifi karta in aan ciidamadeeda u dirno Ethiopia,’ ayuu yiri wasiirku.

Dhinaca kale, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin saameynta Soomaaliya uga imaan karta colaada Ethiopia.

Dhawaan, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamo Soomaaliyeed oo tababar lagusoo siiyay dalka Eritrea, ay ka dhinac dagaalamayaan ciidamada Ethiopia ee dagaalka kul jira TPLF.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/1/2020 8:12 AM EST
Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Qoraal maanta ka soo baxay guddiyada lagu muransan yahay ee doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in guddigu uu guda gali doonno waajibaadka ka saaran gaarsiinta dalka doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

12/1/2020 6:17 AM EST
Talaado,December, 01, 2020 (HOL) - Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Xaaji Luqmaan ayaa diyaaradii ay saarnayeen waxay cilad ku qabsatay Hawada sarre xili ay kusoo jeedeen magaalada Baledweyne oo ay kuso dhawadeen garoonka Ugaas Khaliif ee Baledweyne waxaana diyaarada aay dib ugu laabatay magaalada Muqdisho halkaaso si nabad ah ay ku gaartay.

12/1/2020 3:20 AM EST
Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland waxaa ka socda mudaharaad loogasoo horjeedo diidmada lacagaha shilinka Soomaaliga kadib markii madaxweyne Deni uu shalay soo saaray wareegto lagu mannuucayo in lacagta shilin Soomaaliga lagu qaado canshuurka ilaha dakhliga.

12/1/2020 3:18 AM EST
Talaado,December, 01, 2020 (HOL) - 12 ka tirsan xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug maalintii shalay.

12/1/2020 2:48 AM EST
Talaado,December, 01, 2020 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka furmay Wajiggii labaad shir ay yeelanayaan midowgga musharixiinta doorashada 2020-21 oo dhawaan shir ugu soo dhamaaday Muqdisho ka soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 18 qodob.

12/1/2020 1:42 AM EST
Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo Talaado ah.

12/1/2020 12:05 AM EST
Talaado, December, 01, 2020 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa sheegaya in koox hubeysan toogasho ku dileen Dr Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa dhaqaatiirta magaalada Kismaayo.

12/1/2020 12:02 AM EST
Talaado, December, 01, 2020 (HOL)-Waxaa muuqanaya dib u dhac ku yimid guud ahaan jadwalka doorashada 2020-21 oo ay ku heshiiyeen madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka.