4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 9 , 2020
Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Garbahaarey
 

Axad, Agoosto 9, 2020 (HOL) - Al-shabaab ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay deganaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo, waxayna iska cabin kala kulmeen askartii  daganeyd barta ciidan oo ay weerareen.

Idaacadda maxalliga ah ee Kulmiye ayaa baahisay in goobta la weeraray xarunta degmada Garbaharey ay ku leedahay hay’adda dhinaca raashiinka u qaabilsan Qaramada midoobe ee WFP.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu ahaa madaafiic lagu tuuray goobta, hase-ahaatee uu markii dembe noqday dagaal foolka fool ah. Sida ilo deegaanka ah ay u sheegeen idaacaddaas.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay. Laakiin waxaa kor usii kacaya weerarrada Al-shabaab ay ku qaadayaan deegaannada Jubaland, habeen hore ayeey weerareen degmada Luuq oo Gedo ka tirsan iyo Baar sanguuni oo ah Jubbada hoose.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]