4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 7 , 2020
Dayactir lagu bilaabay Waddooyinka Suuqa Khudaarta Baledweyne


Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Howlahaan lagu hagaajinaayo wadooyinka siilada qudaarta lagu iibiyo ee magaalada baledweyne ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya  ganacsatada suuqa qudaarta baledweyne iyo maamulka dowlada hoose oo ay hogaamineyso duqa magaalada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii duqa magaalada ay kormeer ku tagtay siilada qudaarta lagu iibiyo oo ay sheegtay iney dib u hagaajin ku sameyn doonto wasaqda iyo biyo dageenka ka muuqada wadooyinka suuqa oo ahaa kuwa lagu dhib qabay maritaankooda.
 
Ganacsatada wax ku iibsata suuqa qudaarta ayaa si weyn uso dhaweyay talaabadan lagu hagaajinayo dayaca baahsan ee ka muuqday suuqaasi.

Nadar Tabaax Maalin duqa degmada baledweyne oo magacaaban wax ka yar todobaad ayaa wadda dadaalo waxtar leh oo ay soo dhaweynayaan shacabka magaalada, inkasto masuul kasto oo gobolka Hiiraan loo soo magacaabo maalmaha hore laga dareemo dhaqdhaqaaq wanaagsan oo la xariira dhanka shaqadiisa mudo kadibna aan dib loo arag wax qabadka bilowgiisa kadib.

Hiiraan Online News Disk