3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 7 , 2020
Dad ku dhintay xeebaha koonfureed ee Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga maamul Goboleedka Jubaland Ibraahim Cabdi Xasan ayaa waxa uu sheegay in 9 ruux ay ku dhinteen xeebaha Raas kaambooni ee Gobolka Jubada hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Dadkaan dhintay ayaa waxay ka jillaabayeen badi badda.  Waxaana dhimashadooda sabab u ahaa roobab xooggan oo dabeyla wata.

"Runtii waa sheeko xanuun badan in ay dhintay  9 ruux,  oo ahaa jillaabato,  waxaa muhiim ah in qof kasta oo taxadar sameeyo " ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga Jubaland Ibraahim Cabdi Xasan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in badi bishaan oo kale sanad kasta ay roobabkaan dabeylaha wata ay ka da'aan xeebaha Soomaaliya.

"Roobabkaan waxay sidoo kale bur buriyeen doomo badan" ayuu mar kale warbaahinta u sheegay.

Dadka ku nool xeebaha Soomaaliya ayaa waxay aad dhaqaalo ahaan ugu tiirsanyihiin dakhliga kasoo  gala kalluumeysiga.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/7/2020 1:51 PM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Howlahaan lagu hagaajinaayo wadooyinka siilada qudaarta lagu iibiyo ee magaalada baledweyne ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya ganacsatada suuqa qudaarta baledweyne iyo maamulka dowlada hoose oo ay hogaamineyso duqa magaalada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin.

8/7/2020 11:51 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Maalinta Isniinta ah ee soo socota waxaa furmaya Kal-fadhiga Baarlamanka maamaulka Galmudug ee Soomaaliya, waxaana iminka magaalada Dhuusamareeb ka soconaya diyaar gorowka munaasabaddii lagu furi lahaa.

8/7/2020 10:50 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Wasaaradda gaadiidka ee maamulka Galmudug ayaa waxay la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, sida mas’uulinta wasaaraddaas ay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ay u sheegeen.

8/7/2020 10:42 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta magaalada Hargeysa kula kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Shiinaha, waxayna ka wada hadleen arrimaha maal-gashiga iskaashiga labada dhinac iyo sidii ay u heli laheyd saaxiibbo maal-gashi oo caalami ah .

8/7/2020 4:12 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Ciidamada kumaandooska Danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxay sheegeen in howl-gal saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen Gobolka Jubada hoose ay kula wareegeen deegaanka birta dheer oo 60KM u jira magaalada Kismaayo.

8/7/2020 3:47 AM EST
Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Qorsho Xasan, oo ah bare Soomaaliyeed oo haysata dhalashada Maraykanka ayaa loo magacaabay macallinka sannadka ee gobolka Minnesota, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee ku guuleysta abaalmarintan.