4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 2 , 2020
Madaxweyne Deni: Shirka Dhuusomareeb waa inay cid walba bareeraheeda la timaadaa
 

Axad, Agoosto 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu meesha ka baxay qadarintii iyo wanaagii uu u hayay dowladda federalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu bareerahiisa la tegidoono Dhuusomareeb.

“Shalay Dhuusomareeb markaan tagaynay waxaan dowladda federalka u haynay wanaag iyo qadarin, laakiin hadda waxaan isla xisaabtan ahayn nagama dhexeeyaan, Dowlad walba waa inay bareeraheeda dhiibato,” ayuu yidhi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay xukuumada xasaanada lagala noqday inay ku dhaqmayso tallaabooyin sharci darro ah oo dalka u horseedi kara khalalaase siyaasadeed.

Deni ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay guddiga addeega garsoorka Soomaaliya oo ay saxiixeen xukuumada xil kusimaha ah, wuxuuna sheegay inay tahay qalad cad oo indhaha laga fiirsanayo.

“Anigu dhihi maayo dowlad federalka, waxaan dhahayaa madaxweyne Farmaajo dalkaan dib ha ugu celin wixii kasoo kabtay”.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xuska sanad guurada 22-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay dowlad goboleedka Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]