4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Wakiilka Itoobiya ee Somaliland oo Hargeysa lagusoo dhoweeyay
 

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagusoo dhoweeyay wakiilka dowladda Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Saciid Maxamed Jabriil, sida ilo ku dhow maamulka ay u sheegeen shabakadda Hiiraan Online.

Saciid ayaa waxaa uu horay ugasoo shaqeeyay gudaha Somaliland, gaar ahaan dhinaca wax-barashada sare, isagoo kasoo howl-galay Jaamacadda Hargeysa, kanasoo noqday Guddoomiye ku-xigeen.

Waxaa dhowaan loo magacaabay xilka ah wakiilka Itoobiya u fadhiyi doona magaalada Hargeysa, isagoo ka shaqeyn doona guud ahaan Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa horay soo dhoweyn ugu sameeyay magaalada Hargeysa, waxa uuna ahaa nin muctarif ka dhex ahaa bahda aqoonyahannada Somaliland.

Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo wada shaqeyn ah .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]