4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2020
Hiiraan: Taliyaal Ciidan oo xilalka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay


Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilalkii ka qaaday taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Korneel Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) waxaana xilkaasi loo magacaabay Korneel Maxamuud Xasan Ibraahim, Baakaay oo horay u ahaa taliyaha guutada 22-aad.

Waxaa sidoo kale wareegtada xilka looga qaaday Abaandulaha guutada 5-aad Gashaanle sare Maxamed Cabdi Xasan oo loo yaqaano Jeeri waxaana xilkaasi loo magacaabay Gashaanle dhexe Cabdullahi Barre Cilmi oo mar soo noqday taliyaha ciidamada Militariga Degmada Buula Burte.

Sidoo kale Saraakiil sare oo ka tirsan CXDS ayaa maanta soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka hiiraan kuwaas oo lagu waddo iney xilalka u kala wareejiyaan taliyaashii hore iyo kuwa cusub.

Lama oga sababta rasmi ah ee ka dambeysa xilka qaadista lagu sameeyay taliyahii guutada 5-aad iyo abaandulahii guutadaasi waxaysa qeyb ka noqonayaan isbadalada mar waliba lagu sameeyo talisyada, inkasto gobolka hiiraan uu ka cagana isbadalada dhanka talisyada ciidanka marka loo fiiriyo isbadalada lagu sameeyo dhanka maamulka gobolka iyo kan degmada baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]