4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo si wadajir ah ugu baaqay ilaalinta amniga shaqaalaha gargaarka
 

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka ee bixiya gargaarka naf-badbaadinta ah ee loogu talagalay carruurta nugul, haweenka iyo ragga..

Isu-duwaha gargaarka bini aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Mr. Adam Abdelmoula ayaa yiri "Sanadkan, Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka ayaa timid xilli xasaasi ah. “Bulshada bani'aadamnimada waxay ku qiyaaseen 5.2 milyan oo qof inay u baahan doonaan gargaar iyo ilaalin sannadka 2020, laakiin xaaladdu waa ka sii daraysaa. Haddii aan la helin gargaar joogto ah, 3.5 milyan oo qof ayaa ku guul darreysanaya inay daboolaan baahidooda ugu yar ee cunnada marka la gaaro Sebtember. Intaas waxaa sii dheer, waa inaan u beddelnaa hannaanka si loo helo xal waara oo gacan ka geysan kara dhisidda adkeysiga dadkana saboolnimada looga qaado,”

Intii lagu gudajiray qeybtii hore ee 2020, 141 dhacdo ayaa laga soo warramey in ay ka soo gaareen shaqaalaha howlaha samafalka Soomaaliya dhammaadkii bishii Julay.

Sidoo kale, Kow iyo toban shaqaalaha gargaarka ayaa la dilay, 11 la dhaawacay 23na la afduubay, oo ay ku jiraan toddobo la afduubay oo la dilay.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan mahadnaq kal iyo laab ah u muujiyo shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliyeed, sii wadida iyo howlaha aan kala go’a lahayn ee ay u hayaan aadanaha. "Waxaan rabaa inaan sameyno xusuusso u gaar ah shaqaalaha samafalka ah ee Soomaaliyeed ee laf dhabar u ah howlaha bini'aadanimo ee dalka."

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]