4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Duqa cusub ee degmada Baledweyne oo kormeertay xaafado qarka u saaran fatahaadda wabiga Shabelle


Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Duqa cusub ee degmad Baledweyne ayaa maanta booqatay xaafada howlwadaag gaar ahaan laanta baacadaha waxayna agabka biyaha la isaga xiro ay ku wareejisay qoysas ku nool xaafadaasi si ay ula talacaan fatahaad si hordhac ah u saameysay qeybo ma mid ah xaafadasi.

Agab ka koobna jawaano ayay ku wareejisay qoysaskan deganaa xaafada howlwadaag si ay isaga moosaan biyaha wabiga Shabelle oo laga cabsi qabo inuu karkaarada jabsado.

Nadar Tabaax maalin oo magacaabisteeda maanta la shaaciyay ayaa durba bilaawday dardar ku aadan shaqadeeda cusub inkastoo aysan wali aysan si rasmi ah ula wareegin xilkan loo magacaabay.

Duqa cusub ee magaalada Baledweyne ayaa sheegtay iney garab taagan tahay shacabka reer Baledweyne, ayna xooga saari doonto sidii looga hortagi lahaa waxyeelo ka dhalata fatahaada wabiga Shabelle oo si weyn ay uga cabsi qabaan bulshada ku dhaqan xaafadaha Baledweyne maadama uu wabiga Shabelle qarka u saaran yahay inuu karkaarada jabsado.

Hiiraan Online News Disk