4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2020
Khilaaf u dhexeeya madaxweyne Deni iyo boqor Burhaan oo soo shaac baxay
 

Khamiis, Abril 30, 2020 (HOL) - Khilaaf udhexeeya madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah boqorka beelaha Daarood, oo kasoo bilowday doorashadii madaxtinimada Puntland ee sanad iyo dhowr bilood kahor ayaa hadda soo shaac baxay sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Qardho.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa jebiyay go’aan kasoo baxay maamulka madaxweyne Deni, go’aankaas oo ah in maamulka looga dambeeyo arimaha gurmadka magaalada Qardho, Laakiin boqorka ayaa magacaabay guddi ka shaqayn doona gurmadka dadka waxyeeladu ka soo gaartay daadkii Qardho

Guddiga uu magacaabay Boqor Burhaan waxay kooban yihiin 6 xubnood oo ah culimada Puntland, waxaana nagu maqaallo inay qaar kamid ah guddigaan ay ka cudur daarteen, iyagoo qiimeeyay xaaladda taagan.

Madaxweyne Deni oo laftiisu ku sugan Qardho iyo guddiga uu magacaabay wax jawaab ah kama bixin guddiga uu boqorku magacaabay, balse waxaa jira dhinacyo ka shaqeynaya sidii labadaan guddi loo midayn lahaa meeshana looga saari lahaa in arimo siyaasadeed soo dhex galaan gurmadka shacabka.

Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas, Cabdiraxmaan Faroole iyo senator Cabdirisaaq Jurile oo maanta warbaahinta kula hadlay Garowe, ayaa ku baaqay in maamulka looga dambeeyo arrimaha gurmadka. Hadalkooda wuxuu u muuqday farriin toos ah oo lagu taageerayo mowqifka Puntland ku maamulayso arrimaha taakulada gurmadka.

Tan iyo intii uu Siciid Deni madaxweyne ka noqday Puntland weli ma kulmin boqor Burhaan Boqor oo ay isku degaan kasoo wada jeedaan, waxaana arintaas loo sababeynayaa khilaaf ka dhashay arimihii doorashada.


Hiiraan Online, News Desk