4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2020
Kiisas cusub oo COVID-19 ah oo laga helay Soomaaliya, xiili weli dadka aysan si rasmi ah ugu baraarugsaneyn bushiga Coronavirus
 

Sabti, Abril 18, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ayaa waxey sheegtay in maanta oo keliya laga helay Soomaaliya kiisas cusub oo ah xanuunka COVID-19 ah oo gaaraya illaa iyo 19 xaaladood.

Qoraal ay sii daaysay wasiir Fowsiya ayaa waxey ku tiri "Maanta oo qura waxaan baarnay 25 ruux oo looga shakiyay xanuunka, waxaana laga helay 19 kamid ah dadkii la baaray" .

Wadarta guud ahaan xanuunka COVID-19 uu soo ritay Soomaaliya ayaa waxey guud ahaan gaareysaa 135 ruux, sidoo kale dhimashada ayaa gaartay 7 qof, sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Dadka maanta laga helay xanuunka ee gaaraya 19-ka ruux ayaa waxaa lagu sheegay 15 lab ah iyo 4 dhedig ah. Xanuunka ayaa waxaa maanta u geeriyooday 2 ruux .

Soomaaliya , xanuunka COVID-19 aad ayuu u baahayaa, iyadoo dhinaca kalena digniinaha la bixinayo aysan si rasmi ah bulshada ugu hoggaansamin, sida kala fogaashiyaha, salaanta iyo in bulshada ay ku nagaadaan guryahooda.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho