3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 1 , 2020
Madaxweyne Biixi oo 574 maxbuus cafis u fidiyey
 

Arbaco, April 01   2020  (HOL )– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa 574 maxbuus cafis u fidiyey, kuwaas oo ku xukunnaa dambiyado aan waaweynayn.

Maxaabiistan ayaa loo cafiyey cudurkan Corona Virus awgeed si looga badbaadiyo maxaabiista ku jirta jeelasha oo hadii uu ka dilaaco dhibaato weyn u keeni karta.

“In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.












Click here
4/1/2020 2:36 PM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Bandow adag ayaa caawa ka dhaqan galay magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, sida uu kusoo waramayo weriyaha Hiiraan Online ugasoo warama degaanada Puntland.

4/1/2020 1:55 PM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

4/1/2020 6:52 AM EST
Arbaco, April, 01, 2020 (HOL)-Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, doorasho ka dhacday Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

4/1/2020 6:45 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Puntland ayaa caawo laga bilaabo salaada maqrib kadib waxay goboladeeda ka dhaqan galindoontaa bandow lagu yarayndoono isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, si looga hortaggo faafitaanka cudurka coronavirus.

4/1/2020 5:35 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Alle ha u naxariistte waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday AUN Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo beryahaan ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla Magaalada London.

4/1/2020 5:15 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Wiil 13 jir ah oo ku noolaa London ayaa noqday dhibbanihii ugu da’da yaraa ee u geeriyoooda coronavirus.

4/1/2020 5:01 AM EST
Arbaco, Apil, 01, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqiijiyey in uu maanta ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Britain.

4/1/2020 2:27 AM EST
Arbaco, April, 01, 2020 (HOL)- Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu waddaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

4/1/2020 1:17 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.