4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 8 , 2020
Al-shabaab oo saacaddo kooban xoog kula wareegay degmada Balcad
 

Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa saacado kooban qabsatay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, waxayna la wareegeen xarumihii dowladda, waxay sidoo kale xabsiyada kasii daayeen maxaabiis dowladda u xirnaa.

Al-shabaab ayaa magaalada Balcad ku qabsaday dagaal ay kusoo qaadeen markii ay la wareegayeen, lamase oga khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada dowladda ayaa markii dambe ku guulaystay inay dib ula wareegaan, iyagoo Al-shabaab dib uga baxay magaalada sida ay goob joogayaal sheegeen.

Al-shabaab marar badan ayay sidaan oo kale u qabsadeen Balcad oo 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qabsashadan waxay muujinaysaa in Al-shabaab weli leeyihiin awood ciidan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]