4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Bangiga Amaana oo heshiis la saxiixday shirkadda Path Solutions
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Amaana Bank oo uu fadhigiisa yahay magaalada Muqdisho ayaa heshiis la saxiixday shirkad laga leeyahay dalka Lubnaan oo ka shaqaysa howlaha horumarinta softaweerada ee ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah bangiyada caalamka.

Xaflad lagu qabtay magaalada Dubai ayuu Bangiga Amaana ku la saxiixday heshiiskan shirkadda la yiraahdo Path Solutions oo fadhigeeda yahay magaalada Beyruut.

Heshiiska ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa ah mid lagu kobcinaayo adeegyada Bangiga uu u qabto macaamiishiisa.

Adeegyada ay shirkadda ka caawin doonto Bangiga ayaa waxaa mid ah adeeg joogta oo aan kala go' lahayn 24ka saac maalintiiba.

Sharikadda Path Solutions waxay ka mid tahay sharikadda ugu waaweyn adduunka ee sida gaar ka ah ugu caanbaxay iswaafajinta shareecada iyo howlaha bangiyada.

Labada dhinac heshiisyada waxaa u kala saxiixay Cabdirisaaq Xuseen Macalin oo ah guddoomiyaha Amaana iyo Madaxa Path Solutions Maxamed Katiib.

Axmed Maxamed Aadan , Hiiraan Online