4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Askari Mareykan ah oo ku dhaawacmay qaraxii Janaay Cabdalle
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay tira kalana way ku dhaawacmeen kadib makii gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay uu ku qarxay xarun ciidamada militiriga ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo 50KM ka baxsan magaalada xeebta kulaasha ee Kismaayo.

IIsmaaciil Mukhtaar Oronjo oo ah Afhayeenka xukuumadda ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in qaraxa uu yahay mid ismiidaamin ah.

"Gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay aroortii hore ee saakay oo Isniin ah  xerada Ciidamada ee Janaay Cabdalle  , laba askari ayaana ku dhimatay" ayuu Oronjo u sheegay wakaaladda wararka Turkiga.

Maxamed Axmed Sabriye oo ah madaxda isgaarsiinta ee xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu ku dhaawacmay askari Mareykan ah.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas ka dhacay duleedka Kismaayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]