4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2020
Buug ka hadlaya in guurka lagu mideyn karo Soomaalida oo Muqdisho lagusoo bandhigay


Axad, September 6, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagusoo bandhigay buug ka hadlaya arrimaha bulshada gaar ahaan guurka iyo hannaanka ugu wanaagsan ee gayaannadu isu xulan karaan,  taas oo qeyb ka noqon karta sida ugu habboon ee bulshada la isugu xeri karo.

Buuggan lasoo bandhigay ayaa lagu magacaabaa "Kala Guurtaye Guurka ku midee" waxaana qoray aqoonyahan Cabdirashiid Dhaqane Axmedsuufi oo kamid ah bahda hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed,  muddana ka shaqeynayay arrimaha bulshada rayidka ah.

Munaasabadda lagusoo bandhigayay ayaa waxaa kasoo qeyb-galay dhaqan-yaqaanno,  aqoonyahanno iyo dhalinyaro. Waxayna dhammaan dhalinyaradii kasoo qeyb-galay ay aad usoo dhoweeyeen qisooyinka iyo cilmi baarista uu qoraagu kusoo bandhigay buugga ee ku saabsan micnaha xididka iyo in dhalinyarada Soomaaliyeed ay sameeyaan guur isu furan oo Soomaalida dhexdeeda ah.

Qaar kamid ah aqoonyahannadii ka qeyb-galay bandhigga buugga "Kala Guurtaye  Guurka ku midee" ayaa kasoo qeyb-gelayaasha kula dardaarmay iney wax akhriyaan si garaadka bulshada uu kobac u sameeyo.

"Waxaan arkay soddonkii sano ee Soomaaliya ku jirtay bur burka in cid kasta ay ku laabatay deegaankii ay ku badnaayeen,  haddaba si xal loo gaaro,  Waxaan muhiim u arkay in guurka uu yahay waxyaabaha bulshada lagu mideyn karo,  buuggana wuxuu qeyb ka yahay dhaqan bulsho ahaan Soomaalida kala baadday la isugu keeni karo " ayuu qoraa Cabdirashiid Dhaqane u sheegay HOL.

Soomaalida ayaa dhaqan ahaan isku xushmeyso xididka iyo guurka,  waxaana dhammaan aqoonyahankii ka qeyb-galay munaasabadda ay isku raaceen in aragtida buuggan qaataan da'yarta Soomaaliyeed.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]