4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2020
Itoobiya oo bilowday nidaam cusub oo ay dadku ku heli karaan natiijada baaritaanka COVID-19
 

Axad, September 6, 2020 (HOL) - Ethiopia ayaa soo bandhigtay nidaam ay dadku ugu heli karaan natiijadooda baaritaanka COVID-19 fariimaha qoraalka ah.

Dadka iska baaraya viruska ayaa natiijada ku heli doona taleefankooda sedex saac gudahood, idaacada maxaliga ah ee FANA ayaa soo xigatay machadka caafimaadka bulshada ee Itoobiya.

Tirada 8335, ayaa loo isticmaali doonaa in lagu diro ogeysiisyada iyo natiijooyinka, sida lagu sheegay warbixinta.

Bilowgii bishii Ogosto, Itoobiya waxay kordhisay dadaalkeeda waxqabad ee COVID-19 iyadoo la waday abaabul bulsho iyo olole tijaabo ah oo loogu talagalay in lagu sameeyo 100,000 baaritaan.

Wasiirka Caafimaadka Lia Kebede ayaa sheegay in ololahaasi si guul leh uu ku soo dhamaaday baaritaana laga qaaday in ka badan hal milyan oo qof, halka 20,283 bukaan ah ay soo kabteen illaa iyo hadda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]