4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2020
Puntland oo xabsiga u taxaabtay weriyayaal
 

Axad, September 6, 2020 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa xabsiga u taxaabay labo weriye oo katirsan Radio Daljir oo kamid ah idaacaddaha maxaliga ah ee kuyaala Puntland.

Weriyayashan ayaa la xiray kadib markii maanta ay tageen maxkamada gobolka Nugaal iyagoo doonayay in maxkamadu jawaab ka bixiso eedeymo loo jeediyay hay'addaha garsoorka Puntland.

Weriye katirsan radio Daljir ayaa HOL, u sheegay in weriyayaasha markii ay maxkamada tageen lagu amray inay xiran yihiin, iyagoo markii dambe loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee Garowe.

HOL, oo la xidhiidh la sameysay masuuliyiin katirsan Pumtland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xarriga labada weriye oo mid kamid ah uu yahay agaasimaha Radio Daljir ee Garowe, Khadar Cawl Ismaaciil.

Radio Daljir ayaa sharci darro ku tilmaamtay xarriga weriyayaasha waxayna  hay’addaha garsoorka ku eedeeysay in ay jebiyeen qodobo dastuuri ah oo muwaadinka u damaanadqaadaya in si xoriyad ah uu dareenkiisa ku cabiri karo iyo madax banaanida warbaahinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]