4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2020
Guddiga Fatahaadda Beledweyne oo walaac muujiyay iyo cabsida Fatahaadda oo korortay
 

Axad, September 6, 2020 (HOL) - Cabsida la xariirta arrimaha fatahaadda wabiga shabelle ayaa aad u korortay waxana si weyn looga daremayaa xaafadaha magaalada Beleweyne 24-kii saac ee ugu dambeysay kadib biyaha wabiga Shabelle oo gaaray heerkii ugu sareyay iyo qeyb ka mid ah biya xireenkii koowaad ee deegaanka Qooqane oo soo jabsaday.

Guddiga gurmadka fatahaaddaha xaalka waara ayaa si rasmi ah u shaaciyay iney jiraan dad hortaagan howlaha biya xireenka kuwaas oo ka shaqeynayo sidii ay u barakici lahayeen shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Guddiga gurmadka fatahaaddaha Beledweyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney maalmahan dambe ay soo kordhayeen dad doonaya iney fashiliyaan dadaalada lagula tacaalayay ka hortagista in laga barakaco fatahaad uu sameeyo wabiga shabelle kuwaas oo soo faruurayo goobaha carro tuurka laga sameyay si ay biyaha ugu soo yaacaan gudaha magaalada ayuu yiri "Xaaji Cismaan Dhagaxoow"

"Xaaji Dhagaxoow" waxaa jira dad badan oo cadaw ku ah xirista biyaha waxaana dhowr jeer nagu soo weraray goobaha biyaha laga celinaayo dad diidan biya xireenada aan ku howlanahay"

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii qeyb ka mid ah biya xireenka deegaanka Qooqane laso furay taas oo walwal iyo walaac xoogan ku abuurtay bulshada reer Beledweyne, inkasto guddiga ay sheegeen in biyahaasi lasoo faruuray ay kaso keyaan biya xireen kale oo aad u weyn oo yaala deegaanka Hilikilyo oo ay markii horeba ugu talo galeen hadii biyaha ay ka soo gudbaan biya xireenka koowaad ee Qooqane iney hadana hakiyaan biya xireenka labaad ee yaala deeganka Hilikilyo.

Ugu dambeyntii Guddiga gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha Beledweyne ayaa ugu baaqay maamulka gobolka iyo Hay'adaha amaanka iney si deg deg ah wax uga qabtaan dadka doonaya iney barakiciyaan shacabka ee ku howlan furitaanka goobaha laga sameyay biya xireenadda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]