4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 6 , 2020
Maamulka degmada Yaaqshiid oo sheegay in ciidamada dowladda ay dileen nin miino ku aasayay Suuq bacaad
 

Axad, September 6, 2020 (HOL) - Laammaha nabad-gelyada ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegeen in xalay ay ku dileen nin miino ku aasayay waddada ka tirsan xaafadda Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Ninka la dilay ayey mas’uuliyiinta degmada sheegeen inuu ka tirsanaa seddex nin oo bastoolado ku hubeysnaa oo miino gelinayay waddada, kadibna ay ka war heleen ciidamada xaafaddaas ku sugnaa.

Is-risaaseyn dhex martay labada dhinac ayaa keentay inuu ku geeriyoodo, sida mas’uuliyiinta deegaanku ay sheegeen.

“Ciidamada nabad sugidda ayaa helay xogta seddex nin oo bastoolado ku hubeysan mid kamid ah waddooyinkana ku aasaya miino, kadibna howl-gal ayaa dhacay, waxayna keentay inuu ku geeriyoodo mid kamid ah raggii seddexda ahaa ee Miinada aadayay” ayuu Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow u sheegay Warbaahinta .

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii u dembeeyay ka dhacay dhowr jeer qaraxyo loo adeegsaday miinooyinka dhulka, iyadoo xalay qarax ka dhacay meel ku dhow Is-goyska Sayidka ay ku dhaawacmeen laba ruux.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]