4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2020
Qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo ka horyimid doorashada xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya
 

Sabti, September 5, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo koonfur galbeed ayaa kasoo horjeestay doorashada xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya, doorashadaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiiradda isboortiga ee saddexda maamul oo la hadlay HOL, ayaa sheegay in aysan aqoonsayan natiijada doorashada maanta lagu doortay madaxweynaha xiriirka iyo labadiisa ku xigeen.

Waxay ku tilmaameen sharci darro xubnaha la doortay.

Wasiiradda isboortiga waxay diidmadooda u sababeeyeen iyadoo aysan jirin wax talo galyo oo ay ku lahaayeen hannaanka wax lagu doortay.

Doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho waxaa xilka madaxweynaha xiriirka loogu doortay Aadan Cabdule Mahdi oo horey u ahaa xoghayihii xiriirka kubada cagta Soomaaliya, halka gudoomiye ku xigeenada loo doortay Xasan Cabdi Goodax iyo Abuukar Xasan Yuusuf.

Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya, Somali minifootball waxaa la aas aasay 2015. Ma lahayn taariikh xilligaas ka horeysay, waxaana shantaas sano madax ka ahaa Cabduqaadir Ibraahim Caddaay, oo ah aas aasihii xiriirkan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]