4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2020
Ciidamada dowladda oo sheegay iney gacanta ku dhigeen rag miino aasayay
 

Sabti, September 5, 2020 (HOL) - Saraakiil ka tirsan ciidamada militiriga ah ee Soomaaliya ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen laba nin oo ay sheegeen iney miino ku aasayeen waddo ay si aad ah u isticmaalaan ciidamada Dowladda oo ku taalla Gobolka Shabeellada hoose ee Koonfur galbeed Soomaaliya.

Waddada raggan lagasoo qabtay ayaa waxay tilmaameen inay xiriiriso Sabiib iyo Caanoole.

Saraakiishan oo la hadlay raadiyaha Risaale ee magaalada Muqdisho ayaa waxay intaa ku dareen in ragga ay gacanta kusoo dhigeen ay ku socdaan baaritaan ciidan, dhowaanna ay horkeeni doonaan cadaaladda.

Gobolka Shabeellada hoose ee Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]