4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2020
Dhoob-daareed: Madaxweyne Deni wuxuu Muqdisho u joogaa fulinta danaha imaaratka
 

Sabti, September 5, 2020 (HOL) -Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu fuliyo danaha Imaaraatku ka leeyihiin Soomaaliya.

“Madaxweyne Deni uma joogo Muqdsiho dano umadda Somaliyeed ama reer Puntland, ee wuxuu halkaas u joogaa  sidii u carqaladayn lahaa heshiiska la gaaray iyo inuu ilaaliyo danaha Imaaraatka,” ayuu yiri Dhoobo oo wareysi siiyay Somali Cable.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa marar badan saxaafadda eedayn u marsiiyay madaxweyne Deni lagasoo billaabo markii xilka looga tuuray mooshin ay xildhibaanada Puntland ka keeneen 7 November 2019.

Dhoobo Daareed ayaa saxaafadda horey uga sheegay in Deni uu dhaqaale ku siiyay xildhibaanada in sifo sharci darro ah lagu rido, sidoo kalena uu masuul ka ahaa iska hor imaadkii ka dhacay xarunta barlamaanka saacaddo kahor inta aan la ridin.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]