4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2020
Wasiirka Goodax oo Puntland ugu baaqay inay qaataan manhajka cusub ee dugsiyada sare
 

Jimco, September 4, 2020 (HOL) - Wasiirka waxbarashasda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maamulka Puntland ugu baaqay inay qaataan manhajka cusub ee dugsiyada sare, oo dhowaan dowladda federalka kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho.

Wasiir Goodax ayaa ka digay in Puntland siyaasadayso manhajka dowladda Soomaaliya ay kasoo shaqeysay, isagoo sheegay in horey loo siyaasadeeyay arrimihii imtixaanka dugsiga sare.

Goodax ayaa sheegay Puntland in looga baahan yahay inay joojiso fikirka ku saabsan “doonista waxa iyaga u gaarka ah, isagoo tilmaamay haddii ay dowladdu si gaar ah u qanciso Puntland inay kicineyso kala qeybsanaanta gobollada.

Puntland ayaa horey u diiday inay ka qeyb ahaato imtixaanka Soomaaliya, iyagoo diidmadooda u daliishay in aanay imtixaan wada gali karin arday aan isku manhaj ahayn, sidoo kalena aan lagu kalsoonaan karin imtixaanka dowladda maamulayso oo mar suuqa ku faafay.

Sanadkaan waxaa mar kale laga cabsi qabnaa in ardayda reer Puntland shahaadadooda kuwaayaan khilaafka udhexeeya labada wasaaraddood.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]