4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2020
Kooxo Hubeysan oo Beledweyne ku dilay guddoomiyahii Deegaanka Hees
 

Khamiis, September 3, 2020 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa gabal dhacii maanta ku toogtay xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne guddoomiyahii deegaanka Hees oo ka ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dableydii dilka u geysatay guddoomiyahii deegaanka Hees Cabdullahi Bilig Bilig iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo goobta ka ag dhawa ayaa is rasaaseyn kooban ku dhexmartay goobtii lagu dilay guddomiyahii Hees waxaana halkaasi ku dhintay mid ka mid ahaa kooxahii dilay guddoomiyaha sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay'addaha amaanka degmada Beledweyne oo la xariira dilka loo geystay guddoomiyahii deegaanka Hees ee degmada Matabaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]