4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2020
Senator Cabdi Qeybdiid: Siciid Deni iyo Axmed Madoobe waa inay madaxweyne farmaajo ku qanciyaan inuu magacaabo raysal wasaare
 

Khamiis, September 3, 2020 (HOL) - Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa ugu baaqay madaxweyne Deni iyo madaxweyne Axmed Madoobe inay madaxweyne Farmaajo ku qanciyaan inuu magacaabo raysal wasaare ka hor inta aysan wax wada hadal ah la galin.

Cabdiqeybdiid ayaa u sheegay inay ku adkaysteen go’aankoodii ahaa in lasoo magacaabo raysal wasaare fuliya heshiisyada la galayo, isagoo sheegay haddii taas ay dhici weydo inay u muuqanayso in ay u yimaadeen heshiiska Farmaajo oo aysan wadin xal dan u ah umadda Soomaaliyeed.

“Mar haddii aanu xukuumadi jirin, hadda wixii la qabtaa waxay noqonayaan wax shakhsiyaa qabteen, ma idinkugu jirtaa qorshaha  mudada aad joogtaan Xamar inaad madaxweynaha ku qancisaan inuu magacaabo Raysal wasaare,” ayuu yidhi Sanator Qeybdiid.

Cabdiqeydiid ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan ku jirin rabitaan ah inuu soo magacaabo raysal wasaare.

Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabayay hadalka Senatorka ayaa sheegay imaatinkooda Muqdisho inuusan qorshaha ugu jirin arrinta raysal wasaaraha, isagoo ku macneeyay in ay Puntland keli ku noqotay qeylo dhaanta raysal wasaaraha.

Hadaladan ayay masuuliyiinta ka sheegeen xilli madaxweyne Deni uu maanta la hadlayay xildhibaanada aqalka sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]