4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2020
Roobabkii dayrta oo ka curtay qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo biyo la'aan taagnayd
 

Talaado, September 29, 2020 (HOL) - Qaybo ka mid gobolka Sool ayaa daruuro biyaysani ka curteen iyadoo ay xaalad adag ka taagnayd ka dib markii ay xili dayreedku dib u dhac ku yimi.

Degaanada roobabku ka de'een ayaa waxaa ka mid koonfurta iyo galbeedka degmada Laascaanood, waxaana sida ay dadka qaarkood soo sheegayaan in ay curasho tahay balse aan weli roob la sheego aanay helin.

Degmada Xudun ayaa laga soo sheegayaa in xoogaa qabowsin ahi ay heleen buuraleyda koonfurta degmadaas dhacda iyo qaybo ka mid dooxada nugaaleed oo aad baahi badan uga taagnayd, halka waqooyiga degmadaasna hoglo laga soo sheegay iyo hayaan baaxad leh.

Magaalada Laascaanood ayaa baahi biyood oo xoogleh ay ka taagnayd ka dib markii ay gabaabsi noqdeen kaydka biyaha berkedaha ee degaanka Kalabaydh oo 87% lagu qiyaasi biyaha laga isticmaalo magaalada Laascaanood.

Shirkad gaar loo leeyahay ayaa mudooyinkii u danbeeyey wadey in ay biyo sifaysan soo gaadhsiiyaan magaalada iyagoo haatan lagu arkayo gaadiidka dhulka qoda oo jeexaya goobihii tuubooyinku mari lahaayeen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood