4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2020
Wasiirka amniga Jubbaland Janan: Al-shabaab ayaa masuul ah dadka lagu laayay Gedo
 

Isniin, September 28, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid ayaa sheegay in falkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo uu sabab u ahaa kadib markii ciidamo Kenyan ah loo dhigay qarax ay soo abaabuleen kooxda Al-shabaab.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo ka caraysan falkaan ay dhibaato ugeysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaanka ciidamada Kenya lagu beegsaday.

“Waxaa ognahay in ciidamo Kenya qarax loo dhigay uu kasoo gaaray khasaare naf iyo maalba leh. Dabcan ciidamadiina waxay sameeyeen falcelin waxayna dhibaato ugeysteen dadkii aaga ka dhawaa,” ayuu yiri wasiir Janan.

Wasiir Janan oo qeyb ka ah guddi Jubbaland u magacwoday baaritaanka dhacdada Ceelwaaq, ayaa sheegay inay hubinayaan haddii dadka la laayay ay yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan ama Al-shabaab kamid yihiin.

“Haddii shacabkeena dhibaato loo geysto waxaan la xisaabtamaynaa ciidamada Kenya, raallina kama nihin in shacabkeena dhibaato loo geysto, laakiin waxaan ognahay in Al-shabaab masuul ka yihiin dhibaatada shacabka loo geysanayo, waayo iyaga ayaa qarxiyay ciidamada Kenya, iyaga ayaana keenay in shacabka la dhibaateeyo,  ” ayuu yiri.

Gobolka Gedo waxaa weli ka socda mudaharaadyo loogasoo horjeedo ciidamada Kenya oo dhawaan dilay dad shacab ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]