4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2020
Xasan Cali Kheyre " doorashadu waa iney noqotaa mid xor ah oo daah-furan"
 

Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si weyn waxay qaarkood usoo dhoweeyeen go'aankii maanta Baarlamanka labada aqal ee Soomaaliya ay ku ansixiyeen heshiiskii doorashooyinka ee dalka.

Dadka sida weyn usoo dhoweeyay waxaa kamid ah ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uuna sheegay in maanta Baarlamanku uu qaatay tallaabo wanaagsan.

Qoraal kooban uu Kheyre soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in loo baahanyahay in horay loo guda galo shaqooyinka kale ee haray.

"Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay labada gole ee baarlamaanku wadajirka ugu ansixiyeen heshiiska doorashada. Tallaabadaas ayaa dalka u jiheyneysa dariiqii doorashada. Waxaan ku baaqayaa in nidaamka Doorashadu uu noqdo mid loo dhanyahay, daah furan oo u qabsoonta si xor & xalaal ah" ayuu Kheyre ku yiri qoraalkiisa.

Ra'iisul wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre ayaa horay u sheegay inuu musharrax u yahay xilka ugu sarreeyo ee dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]