4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2020
Labada aqalka ee barlamaanka Soomaaliya oo maanta la horgeynayo heshiiska doorashada
 

Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay muddo kadib maanta yeelanaya fadhi wada jir ah oo ay kaga doodayaan heshiiska arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu barlamaanka labadiisa aqal horgeeyo heshiiskii ku saabsanaa habka loo galayo doorashada soo socota ee uu la galay madaxwenayaasha dowlad goboleedyada.

In labada aqal ay wada fariistaan waxaa ugu dambeysay dhowr billood ka hor, hase yeeshee kulan wadajir oo ay dhowaan kasoo muuqdeen labada gudoomiye, ayaa u muuqday mid soo afjaray khilaafkii ka dhex taagnaa.

Qodob kamid ah heshiiska ayaa dhigaya in la horgeeyo barlamaanka Soomaaliya, si ay go’aan uga gaaraan meel markiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]