4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 25, 2020
Banaan-bax looga soo horjeedo ciidamada Kenya oo ka dhacay Ceelwaaq
 

Jimco, September 25, 2020 (HOL) - Dibad-bax xooggan oo looga soo horjeedo ciidamada Kenya oo uu ka dhacay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Dad fara badan oo isugu jira odoyaal, dhalin-yaro, haween iyo aqoonyahan ayaa isugu soo baxay gudaha magaaladaas , iyagoo ka cabanaya dilal la sheegay in ciidamada Kenya ay ka geysanaysteen gudaha Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Ceel-waaq.

Ciidamada militiriga Kenya ee loo yaqaanno KDF ayaa tuulada lagu magacaabo Yadoo , oo 25KM jiho waqooyi ka xigta Ceelwaaq ku dilay qof rayid ah , halka seddex kalana ay ka kaxeysteen guri ay dadkaas ku wada sugnaayeen, meydka mid kamid ah saddexdii qof ay wateen ayaa dib loo helay, sida ilo deegaanka ah ay HOL u sheegeen.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa dhowr jeer lagusoo eedeeyay tacaddi xooggan oo ka dhan ah dadka ku nool Gobolka Gedo, waxayna horay u sameeyeen duqeymo diyaaradeed oo lagu dilay dad rayid ah iyo xoolo badan.

Dhinaca kale, waxaa shalay magaalada Muqdisho shir ku qabtay mudanayaal ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, kuwaas oo ka hadlay falkii lagu dilay , laguna qafaashay qaar kamid ah shacabka tuulada Yadoo.

Illaa iyo hadda ma jiraan war kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aaddan dilka iyo qafaalka ciidamadooda lagusoo eedeeyay, sidoo kalena illaa iyo hadda falkaas waxaan ka hadlin taliska ciidamada AMISOM.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]