4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 25, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo golaha Qaramada Midoobay u gudbiyay warbixin ku saabsan hormarka iyo caqabadaha dowladdiisa
 

Jimco, September 25, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka warbixiyey horumarrada dowladdu ay ka xaqiijisay amniga iyo siyaasadda, saameynta cudurka safmarka ah ee Karoona iyo caqabadaha dhaqaale ee uu sababay.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorasho hufan oo sii xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta siyaasadeed ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin isu tanaasul iyo is-qancin oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka.

“Inkastoo cudurka safmarka ee Karoonaha uu caqabad ahaa, haddana waxaan ku howlannahay ka shaqaynta hannaan doorasho loo dhanyahay, taas oo dadka Soomaaliyeed ay kaga go’aan gaari karaan mustaqbalkooda. Waxaa naga go’an in aan meelmarinno oo aan xoojino dhaqanka dimuqraadiga ah.”

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha Caalamka in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xoogga saareen xakameynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19 iyo saameynta dhaqaale ee uu reebay, isaga oo bogaadiyey dadaalkii naf hurnimada lahaa ee Shaqaalaha Caafimaadku ay ku badbaadiyeen shacabkeenna.

“Waxaan bogaadinayaa dhammaan shaqaalaheenna caafimaadka ee geesiyaasha ah kuwaas oo naftooda halis u galiyay si ay shacabkeenna u badbaadiyaan. Waxaan aqoonsannahay samirka iyo garab istaagga ganacsata Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeeyay dowladda.”

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]