4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 23, 2020
Faahfaahin Dagaal xalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne
 

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Dhaqdhaaqa Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday bar koontarool oo ay ku leeyihiin ciidamada NISA deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne.

Barta koontarool ee ciidamada NISA lagu soo weeraray ayaa aheyd goob lagu baaro dadka iyo gaadiidka soo gala magaalada beledweyne kana baxa.

Dagaalka halkaasi ku dhexmaray Al-shabaab iyo NISA ayaa ahaa mid waqti koobaan socday walow rasaas aad u badan ay is dhaafsadeen lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Mudadii uu socday dagaalka u dhaxeeyay Shabaab iyo NISA waxaa xaalad koronto la'aan ah ay ka jirtay xaafadaha magaalada Beledweyne taaso cabsi badan kusii abuurtay dadka ku dhaqan magaalada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]