4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Ra'iisul wasaaraha magacaaban oo berri la horgeynayo Golaha shacabka
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in Baarlamanka Golaha shacabka la horgeeyo ra'iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,  si  loo siiyo codka kalsoonida.

Waxaa maqribnimadii caawa farriin qoraaleyd loo diray xildhibaannada,  waxaana loogu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu Baarlamanka Golaha shacabka u weydiin doono ra'iisul wasaaraha cusub codka kalsoonida.

Waxaa habeennadii lasoo dhaafay Muqdisho ka soconayay kulamo xiriir ah oo lala yeelanayay xildhibaannada Soomaaliya,  kuwaas oo diiradda lagu saarayay sida codka kalsoonida xildhibaannada ay u siin lahaayeen ra'iisul wasaaraha magacaaban.

Sida loo badinayo haddii berri xildhibaannada codka siiyaan ra'iisul wasaaraha waxaa horyaalla shaqooyin badan oo ay ugu horreyso dhismaha golahiisa xukuumadda.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]