4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda duleedka Dhuusamareeb
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Ciidamada Militiriga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ayaa waxay howl-gallo iyo dhaqdhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal u dhexeeyay iyaga iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay doonayaan iney gaaraan tuulooyinka Ceel-lahelay iyo Ceel-garas halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-shabaab , sida Ilo wareed ku sugan Galgaduud ay sheegayaan.

Goobahii shalay lagu dagaallamay ayaa degan, waxayna ciidamada dowladda sheegeen iney iyagu ku suganyihiin.

Taliyaha ciidamada militiriga ah ee Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa weriyayaasha u sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Dhuusamareeb ay ku dileen 16 dagaalyahan oo Al-shabaab.

Dhinaca kale baraha wararka ee taageera Al-shabaab ayaa qoray in ciidamada dowladda looga dilay dagaalkii shalay 11 , halka laga dhaawacay 8 askari.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]